Mashaariic Biyo Xireeno ah oo ay maalgelisey Worl Bank oo laga hergeliyey Baardheere (SAWIRO)

69

Xarunta Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa ka dhacay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey,taasoo ay ujeedadeedu ay ahayd soo dhoweynta Wafdi ka socdey World Bank iyo Wareejinta Mashaariic Biyo xireeno ah oo World Bank ay ka hergeliyeen degmada .

Mashaariicdan ayaa si rasmi ah waxaa  loogu wareejiyey Wasaaradaha  Qorsheynta ,Beeraha ee DF soomaaliya,Jubaland iyo Maamulka degmada Baardheere,Mashaariicdan Xariga laga jarey  ayaa waxay  ahmiyad Balaraan u leeyhain ka hor tagida Fataahadaha Webiga oo Baardheere ku soo laalaabatey sanado badan,taasoo geysatey Khasaarooyin kale duwan.

Cali Xaaji oo ah Wakiilka World Bank ee Soomaaliya oo ka hadley Xafladii wareejinta Mashaariicda Biyo xireenada oo gaaraya ilaa 9 Goobood,ayaa sheegay  in 7 ka mid ah Biyo xireenada laga hergeliyey  deegaanka,kuwaasi oo laga kala fuliyey goobaha kala ah,Helo Baneed,Bandar,Bulo Ceesaan iyo gudaha Magaalada.

Sidoo kale,Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Maamulka degmada Baardheere oo ka hadley Xafladii Wareejinta Mashaariicda Biyo Xireenada ayaa bogaadiyey Mashaariicda degmada ay ka hergeliyeen Bangiga Aduunka,isagoona sheegay Mashariicda noocani oo kale ah in wax weyn ay ka tari doonto Nolosha iyo Horomarka wax soosaarka Deegaanka.