Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka shirka dib u heshiisiinta K/Galbeed

52

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ku aadan shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed uu haatan ka socdo magaaladaasi.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah oo ku beegan 16-ka bishan Janaayo ee sanadkan 2023-ka uu ka furmo magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan muranka ka dhashay doorashada.

Waxaa goobta la’isugu keeni doonaa hoggaanka Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho, kuwaas oo ka soo horjeedo muddo kororsiga Lafta-gareen.

Sidoo kale waxaa Baydhabo ku wajahan wafuud ka socota dowladda oo qaybgalaya shirkan oo uu gogoshiisu dhigay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Aadan Madoobe.

Dhanka kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaalada, kuwaas oo howlgallo baaritaano ka wada halkaasi.

Taliyaha Booliska ee gobolka Baay, G/Sare Amiin Maxamed CIsmaan oo wariyeyaasha la hadlay ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo kacsan, waxaana ka dhashay gacan ka hadal, kadib markii ciidamada ammaanka iyo kuwa taabacsan mucaaradka ay ku dagaalameen Baydhabo, kaas oo sababay khasaare kala duwan.