Madaxtooyada oo ka hadashay wararka sheegaya inay wada-hadallo soo codsadeen Al-Shabaab

44

Kadib markii shalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim uu goob fagaaro ah ka sheegay in Al-Shabaab ay soo codsadeen in wada-hadallo lala galo ayna soo dhawey ayaan marka laga reebo kuwa Ajaanibta ah ayaa waxaa Warkaasi beenisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Lataliyaha dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalkanka dhanka ah Al-shabaab.

Lataliyaha oo la hadlayay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in qorshahooda aysan kujirin inay wada-hadal la galaan Al-Shabaab, hayeeshee shaqasiyaadka doonaya inay kasoo baxaan Al-Shabaab la marsiin doono nidaam u degan dowladda.

“Dowladda waxaa ka go’an la dagaalanka  Al-Shabaab, mana jirto wax wada xaajood ah oo aan kula jirno, waxaana la marin doona qofki shabaab ah ee isa soo dhiiba nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda” ayuu yiri Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.

Hadalka kasoo yeeray dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli shalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga uu sheegay inay wada-hadal soo codsadeen Al-Shabaab, balse dhankooda ay warkaasi beeniyeen.