Ra’iisul wasaare Xamza oo war cusub ka soo saaray arrinta Laascaanood

12

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markale si adag uga hadlay xiisadda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ku celiyay in dowladda federaalka ay aad uga xun tahay dhibaatada lagu haya shacabka Laascaanood, isagoo tilmaamay inay cabireen fikirkooda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ku talinayaan in wadahadal lagu dhammeeyo dhibaatada haatan ka taagan magaaladaasi oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Dhanka kale xaalada magaalada Laascaanood ayaa weli ah mid aad u kacsan , waxaana labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday rabshado xoogan oo haatan isku bedal gacan ka hadal iyo dagaal toos ah oo dhaliyay khasaare kala duwan.