Ugu yaraan 14 Kalluumeysato Iranian ah oo muddo 8 sano ah gacanta ugu jiray Al Shabaab ayaa la sii daayay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan.
Warbaahinta xiriirka la leh dowladda Iran ayaa xaqiijisay in kalluumeysatada lagu sii daayay dadaal ay sameysay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran.
Ma cadda in Wasaaraddu ay si toos ah ula xaajootay Al-Shabaab oo la bixiyay lacago madax-furasho ah.
Raggan ayaa la sheegay in Al Shabaab ay ka qabatay biyaha caalamiga ah ee ku dhow Soomaaliya sanadkii 2014-kii.
Siideynta kadib, waxay muddo kooban ku hakadeen Muqdisho ka hor inta aysan Axadda maanta ah ka degin Garoonka Diyaaradaha ee Imaam Khumeyni ee Magaalada Tehran.
Sanadkii 2020, saddex kalluumaysato Iranian ah oo ay haysteen burcadbadeedda Soomaalida tan iyo 2015 ayaa la sii daayay ka dib markii la bixiyay $180,000 oo madaxfurasho ah.