Ciidamada dowladda oo la wareegay degmada Runilgood

33

Ciidammada Xooga Dalka iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya ayaa maanta oo Khamiis ah la wareegay gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo muddo sanado ah ay maamulayeen Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  General  Cabdullaahi Cali Caanood ayaa in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada istaatiigiga ah ee Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlo la xirriro baaritaanno dhanka amniga ah.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in howlgallada ka dhank ah Al-Shabaab ay ka socdeen todobaadyadii la soo dhaafay degaannada hoostaga degmada Runilgood, kuwaas oo uu sheegay in lagu dilay in ka badan 10 katirsan Al-Shabaab.

Degmada Ruunirgod waa degmo ku taal Koonfur Bari ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa ayna qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta.