Wareysi:Mid ka mid ah Odoyaasha Gobolka Gedo oo eedeyn kulul u jeediyey Siyaasiyiin ku sugan Degmada Dolow

85

Suldan Iftiin Maxamuud Cali oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Gedo,iminkana ku sugan Degmada Dolow ee Gobolka Gedo oo Wareysi dheer siiyey Radio Markabley ayaa sheegay xilligan Gobolka inuu wajahayo  Qalalase siyaasadeed ,isagoo eedeyn balaarana u jeediyey  Xubno siyaasiyiin oo dhowaan soo gaarey degmada Dolow oo ay ka mid yahiin Cabdirashiid Janan iyo Senator Farataag.

Suldan Iftin oo hadaladiisu ay u muuqdeen kuwa uu ku weerarayo Siyaasiyiinta ku sugan Dolow ayaa ka digey in Xubnahan oo iminka ku sugan Gobolka ay dhibaatooyin ka geysan karaan Joogitaankooda,waxuuna waxgaradka Gobolka uu ugu baaqey in ay ka digtoonaadan waxa soo socda.

Waxuuna sheegay xilligan dadka ku dhaqan Gobolka in la daaladhacayan Abaaro soo noq noqdey,khilaafka taagana ay u horseedi karaan Colaado saameyn ku yeelata deganaanshaha Gobolka,waa siduu hadalka u dhigaye.

 

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA SULDAAN IFTIIN MAXAMUUD