Waxaa Maanta degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo muddo kadib gaaray Wasiirkii hore ee Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) iyo Sanoter Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ( Fartaag).
Mas’uuliyiintan ayaa waxaa degmada Beled-Xaawo kusoo dhaweeyay Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana intaasi kadib booqdeen Xerada Ciidamada UK ee degmada Beled-Xaawo.
Magaalooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa Maanta si weyn looga dareemayaa Wafdiga Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland iyo Sanoter Fartaag, iyada oo ay xusid mudan tahay in dhawaan labadaan mas’uul ay siweyn uga soo horjeesteen muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Horaantii Bishii Janaayo ee sanadkii 2021 ayay aheyd markii duleedka degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ay ku dagaalameen ciidamo ay dowladdii hore ee Madaxweyne farmaajo geeysay degmadaas iyo Ciidamo uu hogaaminayay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, wallow dagalkaas looga guuleysaty Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.