Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa Ethiopia

7

Waasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Dr Abraham Belay, iyagoo ka wadahadley iskaashiga arrimaha Ammaanka iyo la dagaallanka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa xusay inay muhiim tahay Xilligaan in laga ciribtiro Soomaaliya Al-Shabaab Isagoo uga mahadceliyay dowladda Ethiopia doorkeeda ku aadan dagaalkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga Ethiopia Dr Abraham Beley oo dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa Sheegay in dowladda Ethiopia ay xoojinayso garab istaageeda ku aadan dagaalka adag ee lagula jiro ee Al-shabaab.