SAWIRO:- Shirka Golaha Fulinta Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo Maanta furmay

42

Shirka Golaha Fulinta Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya

Shirka waxaa looga hadli doonaa wiixii SOMA u qabsoomay sannadkan dhamaadka ah iyo qorshaha sannadka soo socdo ee 2023.

Guddoomiyaha SOMA Hilaal Sheekh Shuceyb iyo Xoghayaha Guud ee ururka SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa shirka si rasmi ah u furay, iyada oo dood ay ka yeelanayaan madaxda qorshaha sanadka 023.

Shirka Sanadlaha ee Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa sanad walba lagu soo andhigaa waxyaabihii u qabsoomay sanadkaas iyo qorshaha sannadka soo socda.