TPLF oo isaga baxday furimihii dagaalka

9

Ciidamada jabhadda TPLF ayaa sheegay in ay ka baxeen inta badan furimihii dagaalka ay kaga jireen kadib heshiis ay la gaareen dowladda federaalka.

Hoggaanka ciidamada TPLF, ayaa xaqiijiyay in 65% ay ka baxeen furimahoodii dagaalka.

Tadesse Werede oo ah madaxa ciidamada jabhadda TPLF, ayaa sheegay in ay furimaha ka baxeen una guureen furimo cayiman kadib heshiiska ay la galeen dowladda Itoobiya.

Heshiiska xabad joojinta ah ee gaareen labada dhinac ayaa dhigayay in hubka ay wareejiyaan TPLF, xilli ay jabhadda sheegtay in aysan go’aankaas ka tanaasuleynin inta ay ciidamada Ereteriya ay joogaan gudaha dhulkooda.

Sikastaba TPLF iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa dagaalamayay muddo laba sana ah, waxaana dagaaladdaas ku dhintay dad fara badan.