Dagaal ka socda degaanno hoostaga degmada Aadan-yabaal

14

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka & Al-Shabaab ayaa ka socda degaannada Boos-caduur & Warta-dibi samatar oo hoostaga degmada Aadan-yabaal ee Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka ay weerareen degaannada uu dagaalka ka socdo, waxaana Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ay Risaala Media Corporation u sheegeen in dagaalka ay Gaadiid dagaal uga qabsadeen Al-Shabaab.

Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka ka dhashay, iyada oo weli la maqlayo dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac, waxana adag in la helo xog faah faahsan.