Madaxweyne Saciid Deni oo ku soo wajahan Muqdisho + Ujeedka

50

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Booqashada madaxweyne Deni ayaa qaadan doonto muddo laba cisho ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha maamulka Puntland ayaa haatan laga dareemayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni uu wadahadallo gaar ah la yeelan doono madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada dhinac ayaa ka wadahadli doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland, si meesha looga saaro mad madowga jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey marar kala duwan u booqday Puntland, waxaana markii ugu dambeysay uu ka qayb-galay xarig jarka Dekedda Garacad ee gobolka Mudug.