Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray difaacyada ciidamada ee Sh/Dhexe

51

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kormeerey difaacyada ciidamada gobolka Shabeellaha Dhexe iyo diyaargarowga ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada iyo saraakiisha guulaha kasoo hooyay dagaalka Shabaab, islamarkaana habeen iyo maalin u taagan ilaalinta amniga dalka.

Kormeerka, Madaxweynaha waxaa ku weheliya madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.