Muqtaar Roobow oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab

44

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatoyin ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in lala dagaalamo.

Muqtaar Rooboow oo hadal ka jeedinayay Masaajid uu Maanta ku dukaday khudbaddii Jimcaha ayaa sheegay in waqtigaan ay muhiim tahay in loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab.