Dowladda oo sheegtay in duqeyn lagu dilay 15 katirsan Al-Shabaab

49

Dowladda Soomaaliya ayaa shegtay in howlgal gaar ah oo ka dhacay degaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 15 katirsan Ururka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa duqayn ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

“ Xubnaha Al-Shabaab ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa Xubnihii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 kale ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay dowladda Soomalaiya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ay burburiyeen gaadiid ay ku baxsanayeen Al-Shabaab iyo hubkii ay wateen.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-shabaab si wayn loogu jabiyay dagaal saaka ka dhacay magaalada Qaayib ee gobalka Galgaduud, ka dib markii Al-Shabaab oo isku dayeen inay weeraraan fariisimaha Ciidamada doladda iiyo kuwa degaanka, isla markaana degaanka hadda si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, , isla markaana lagu dabajiro xubnihii weerarka soo qaaday.