Mohamed El-Amine oo la wareegay hoggaanka ATMIS

32

Souef Mohamed El-Amine oo ah Dublamaasi u dhashay dalka Comoros ayaa Midowga Afrika u doortay in uu noqdo madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ku dhawaad ​​7 bilood ka dib markii ay dowladda Soomaaliya cayrisay hogaamiyihii ka horreeyay.

El-Amine ayaa sabtidii ka soo muuqday shaqada Muqdisho ka dib markii uu magacaabay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki. Kahor inta uusan qaban jagada Muqdisho, El Amine wuxuu ahaa madaxa xafiiska gobolka ee Howlgalka Xasilinta Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA) ee Gao oo uu ka soo shaqeeyay tan iyo Ogosto 2020.

El- Amine, oo sidoo kale ah qoraa caan ah ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Commorro May 1999-July illaa 2005 ka dibna isla jagadaas qabtay markale intii u dhaxaysay May 1999-Julaay 2005.

Madaxa cusub ee ATMIS waxa kale oo uu soo noqday madaxa Xafiiska gobolka ee Midowga Afrika – Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID) ee Suudaan intii u dhaxaysay Abriil 2011 iyo Sebtembar 2015.