Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax galabnimadii shalay ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan.
Inta la xaqiijiyay dhimashada ayaa gaaraysa illa iyo lix qof, halka tirada dadka dhaawaca ah ay hadda mareyso 81 qof, kuwaas oo waxyeello kala duwan ka soo gaartay qaraxa.
Sida uu sheegay guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya, qaraxa ayaa dhacay 4:20pm, xilliga Turkiga, waxaana la sheegay in bomka qarxay ay qarxisay haweeneey.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ka hor inta aanu u bixin shir madaxeedka 17-aad ee G20, oo ka dhacaya dalka Indonesia.
“Dadaallo lagu doonayo in lagu qabto maamulka Turkiga iyo qaranka Turkiga iyadoo loo marayo argagixisanimo wax natiijo ah kama soo baxayso,” ayuu yiri madaxweynaha.
Dhinaca kale madaxda caalamka iyo dowladaha saaxiibka la ah Turkiga ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay magaalada Istanbul.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ay dowladdiisa ka xuntahay qaraxa ka dhacay Istanbul.
“Dowladda iyo shacabka Pakistan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan shacabka walaalaha ah ee ku dhaqan magaalada Istanbul ee Turkiga ee ku dhintay qaraxii dhacay, waxayna u dirayaan inta ku dhaawacantay inuu caafimaad degdeg ah eebbe siiyo,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif .
Madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay in Asarbayjaan ay aad uga naxday warkaas, wuxuuna intaas ku daray: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa idinka, qoysaska iyo ehelada dadkii lagu laayay, iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga, waxaanan u rajeeyay soo kabashada deg-deg ah.”
Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa si weyn dhankiisa uga hadlay qaraxa ka dhacay magaalada Istanbula waxa uuna yiri” “Fikradeenu waxay la jirtaa dhibanayaasha, iyo dhammaan kuwa eheladooda waayay, waxaan garab taagannahay Turkiga,” .