Falcelinta Culimada Qaraxyadii Ka Dhacay Soobe iyo Baaqa Loo DirayShacabka Muqdisho

12

Kadib dhacdadii qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe 29-kii bishii October 20222, waxaa soo baxayay falcelinta kale duwan ee ka imaanaysa bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan dhibaatada ka dhacday halkaa, qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa iyo wasaaradda Owqaafta maalinimadii Jimcaha siyaabo kale duwan uga hadlay, iyagoo siweyn u cambaareeyay falkas.

Ugu horeyn Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Cumlimada sidaweyn looga yaqaano dalka iyo dibadda oo Salaadii Jimcaha kadib kula hadlay bulshada Soomaaliyeed magaalada Nairobi ayaa siweyn uga hadlay dhacdada qaraxyadii Soobe oo lagu dilay in 119 ruux, 334 qofna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali nolol iyo Geeri lagu haynin 13 qof oo kamid dadkii qaraxa la kulmay, waxaana ku burburay dhaqaale gaaraya malaayiin Dollar sida lagu sheegay xogaha hordhaca ah.

“War Muqdisho yaa jooga? war dadka aad qarxisay ee aad baai’isay, Gaalo ayaan u socday aaway Gaaladaa u socotay? War Baladweyne yaajooga? War Kismaayo yaa jooga ? Adigoo qalbigaaga Imaan ku jiro oo ka buuxo inaad Dhiig Muslim gasho, oo aad daadiso oo aad jiirto, sidee ku suurtoobi kartaa?. Aaaway wixii ku xakamaynayay, aaway Imaankii ku celinayay, aaway cabsidii, Rabi Subxaanahu Watacaalaa wuxuu leeyahay xitaa meelaha ay wax qaldami karaan taxadara, xitaa meelaha aad qalad ku gali karayso inaad Dhiig Muslim daadiso taxadar qaado” ayuu yiri Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo hadlayay.

Sidoo kale Shiikh Cabdiqani Suldaan Qorane oo bulshada ku nool Garoowe kula hadlaayay Majid ku yaalla magaalada ayaa si weyn uga hadlay ganacsatada ku taageerta lacagaha Al-shabaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan ogoleyn iyagu dowladnimada, isaga oo intaas raaciyay in loo baahan yahay lacagaha ay ku taageeraan dowladda iyo ciidanka xoogga.

“Umadda Nabi Muxamed ( CSW) Dhiigeeda ku daneysi magalo tujaaro magalo, faaiido magalo,nimankaan Khawaarij waaye cidda caawisana iyaga ayey lamid yihiin, cidda caawisana ma badbaadeyso, imisaa inta lacag siiyeen oo tiri ma idin dileyno qaraxyo kale ay ku dhinteen, cadad iyo xisaab malahan. Toobadkeenbaa la’ idiin ka rabaa, haddaad waxqabanaysaan maad ciidamada kacdoonka samaynaya ee iska dhicinaya lacagta siisaan, haddaad waxqabanaysaan dalka dhismihiisa qeyb ka qaata, risiqa lagu helay in Umatul Muxamed la’laayo kasab Xaaraan ah waaye ” ayuu yiri Shiikh Cabdiqani Suldaan.

Dhanka akale Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo khudbadii Jimcaha boqolaal Soomaaliyeed kula tukaday Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, isaga oo hadalkiisa raaciyay in qoriga marka laga tago sidoo kale dagaalka ugu weyn uu yahay fikir iyo fahamka laga heysto diinta suuban ee Islaamka, si shacabku ay waxbadan uga ogaadaan sida uu hadalka u dhigay Shiikha oo hadlayay.

“Dadkii Saxaabada Gaaleysiiyay, oo yiri Diintii aan idiin ka baranay ayaan idiin ka badinaa, waa qaldan tihiin dadkii lahaa ayaa wali taagan. Alfaadii ay ku hadlayeen markii Shalay Cali Ibnu Abii Daalid (RC) ay la dagaalamayeen meeshii ay ka cabanayeen oo farta ay ku fiiqahayeen ayey ilaa maanta sheegayan, oo ah Xukunkaa laga tagay, hadalku waa isku aadan yahay, dadku waa dadkii, hadalku waa hadalkii dagaalkuna waa dagaalkii marka. marka Niman saxaabi ah oo Jannada loogu bishaareeyay kuwii dilay cid kale ma daynayaan, iney wax dilaan macno gaar ah malahan, laakiin waxaa macnaha leh inaan fahamsanahay waxaa ay yihiin, ha u malaynin inuu Ilaahey moog yahay” ayuu dhankiisa yiri Shiikh Bashiir Axmed Salaad.

Dhinaca kalw Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federalka Soomaaliya Salah Sharif Sayid Ali oo khudbad ka jeediyay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay loo baahan yahay in ay kala ogaadaan waxaa yihiin sida uu hadalka u dhigay, isaga oo ku tilmaamay in ay kooxda Al-shabaab leeyihiin sifaadka kooxdaha Khawaarijta ah oo ka jira meelo badan oo caalamka ah sida uu hadalka u dhigay xilliga uu hadlayay.