Faah faahin:- Dagaal ka dhacay degaan katirsan Gobolka Hiiraan.

45

Warar dheraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo Maanta degaanka Ceelhareeri oo u dhaxeeya degaanka Tardo iyo Moqokori ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidanka dib-u xoreynta deegaanka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Dib uxoreynta deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisin Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel-hareeri oo hoostaga degmada Jalalaqsi, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaara labada dhinac.
Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ayaa sheegay in Ciidamada ay ka warheleen xubno katirsan Al-Shabaab oo isku aruursanayay degaanka Ceelhareeri, taasina ay keentay inay weeraraan si ay uga hortagaan weerar ay qorsheeyeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamo kamid ah kuwa degaanka oo gurmad ahaan uga tegay degaanka Tardo ay dagaalka ka qeyb galeen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ciidamada degaanka la wareegeen degaanka Ceel Hareeri.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan ka socday dhaq dhaqaaqyo Ciidan, iyada oo ciidamada degaanka ay gaarayeen degaano horleh oo muddo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.