Shirkadda HORMUUD oo deeq lacageed soo gaarsiisey Gudiga Horomarinta Baardheere (SAWIRRO)

60

Shirkadda Hormuud ayaa deeq lacageed soo gaarsiisey Gudiga Horomarinta degmada Baardheere,Deeqdaasi ayey Hormuud sheegtay in ay kaga qeyb qaadenayso Dhismaha Buundada Kurmaan ee howsheedi ay iminka ka socoto Degmada.

Deeqdan lacageed oo gaareysay ilaa $10.000 oo Dolar ayaa Goobtii lagu lagu wareejinayey waxaa Goobjoog ka ahaa Maamulka degmada oo lacagta ka timid Hormuud ku wareejiyey Gudiga Horomarinta degmada.

Ugu horeen waxaa goobta hadal kooban ka jeediyey,Mr Dubad Cabdi Dable oo ku hadlayey Magaca Hormuud Telecom ayaa sheegay Deeqdani inaysan ahayn tii ugu horeysay,balse ay diyaar ay u yihiin ka qeyb qaadashada Horomarka deegaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Baardheere iyo Gudiga Horomarinta oo ka hadley Munasabada ayaa bogaadiyey talaabadan Deeqda ah,waxayna ugu Baaqeen Hay’adda Samafalka,DF ee Soomaaliya.Qurbajoogta iyo Qeybaha kale duwan ee Bulshada deegaaanka in ay ka qeyb qaataan dhismaha Buundadan oo ahmiyad balaaran u leh dadka deegaanka.

Shirkadda Hormuud ayaa horey waxay ugu qeyb qaadatey Abaarahii soo marey Gobolka,Ceel laga qodayey Nawaaxiga Daarasalaam,wadada magaalada,dhismaha Togga magaalada iyo Buundada Kurmaan.