Qorshaha sirta ah ee Masar iyo Imaaraadka ay Soomaaliya uga qorteen 3,000 oo ah dhallinyaro la askareynayo

34

Dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho ka wada hindise sir ah oo askar ahaan loogu qoray 3,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, waxaa sidaas maanta shaaca ka qaaday wargeyska caanka ah ee Middle East Eye.

Qorshahan oo billowday bilo ka hor, ayaa dhallinyarada la qoray oo da’doodu u dhaxeyso 18 illaa 28, ayaa waxaa loo ballan-qaaday shaqooyin mushahar wanaagsan leh, waxaana qaar badan oo ka mid ah goor horeba tababar militari loogu diray Masar, ayada oo qarashka ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Hindisahan ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi doono shaki xooggan oo ka yimaada dalka deriska ah ee Itoobiya oo xiisad ay kala dhaxeyso Masar, iyo sidoo kale dalalka Turkey iyo Qatar oo sanadihii dhowaa saameyn ku lahaa Soomaaliya.

Mustafa ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye inuu u careysan yahay mas’uuliyiinya dowladda Soomaaliya oo walaalkiis ka dhaadhiciyey inuu ku biiro tababarka si uu u helo lacag uu ku caawiyo gabar yar oo uu dhalay.

“Maadaama aan ahay walaalkiis ka weyn, iguma uusan wargelin markii uu tegayey, waana ka walaacsanahay xaaladdiisa,” ayuu yiri Mustafa.

“Waxaa hadda naloo sheegay inuu xaalad adag ku sugan yahay oo ka jirta xerada, islamarkaana la filayo in dhowaan loo qaado xero militari oo ku taalla dalka Masar,” ayuu ku daray.

“Waxaan sidoo kale ogaanay in loo ballan-qaaday mushahar bishii ah $500,” ayuu Mustafa oo ku nool Baydhaba u sheegay Middle East Eye.

Si ka duwan Mustafa walaalkiis, wiil kale oo la qoray oo lagu magacabo Maxamed balse codsaday inaan magaciisa buuxa la shaacin ayaa awooday inuu xerada Damanyo kasoo baxsado Sabtidii lasoo dhaafay.