Wariyeyaal & Saraakiil Ciidan oo dhimasho & dhaawac ku noqday qaraxyada

49

Waxaa la xaqiijiyay inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo kutaalla Agagaarka laami yaraha Soobe Wariyeyaal & Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dadka la xaqiijiyay inay qaraxyada ku dhinteen ayaa waxaa kamid ah Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hodan & Wariye Maxamed Ciise Koonaa oo kamid ahaa Wariyeyaasha Tv-ga M24 Somali tv, halka ay ku dhaawacmeen Agaasimaha Tv-ga Cabduqaadir Ok, Feysal Cumar oo ah Sawir qaade & Wariye Ciise Cabdi Ciise oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Sidoo kale waxaa jira dad shacab ah oo aad u farabadan, kuwaas oo qaraxyada dhimasho iyo dhaawac kunoqday, iyada oo dadka badi dhintay ay saarnaayeen Mootooyinka Bajaajta, xilli ay marayeen wadada hormarta Xarunta Wasaaradda waxbarashada oo ciriiri badan uu kajiray.

laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xiray waddooyinka soo gala Xarùnta Wasaaradda oo mararka qaar laga maqlayo rasaas, iyada oo la xaqiijiyay inay ka maqnaayeen xilliga la weeraray Xwrunta Wasiirka Waxbarashada, kuxigeenkiisa iyo Agaasimaha Ģuud ee Wasaaradda.