Ardeyda Wax ka barata Madarasada Fatxu -Raxmaan ee degmada Baardheere oo soo Bandhigay Waxii ay Barteen(DAAWO SAWIRADDA )

81

Xaflad si heer ah loo soo agaasimey,islamarkaana ay ka soo qayb galeen Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan,Maamulka degmada,Odoyaasha ,Waxgaradka iyo Waalidiinta Ardeyda wax ka barata Madarasada Fatxu -Raxmaan ayaa lagu qabtey Xarunta Madarasada ee degmada Baardheere.

Cabdulaahi Ibraahin Xuseen oo ah Maamulaha Madarasada oo ugu hka hadlayey Xaflada loo Qabtey Ardeyda ayaa sheegay ujeedada Madarasada loo dhisey inay tahay
Barashada Quraanka kariimka, culuumta asaasiga ee diinta islaamka,isagoona sheegay Xafladan in loo qabtey Ardeyda kaalimaha fiican gashey sidii ay u abaal marin lahaayeen.

Sheekh Siyaad Dhaqane Sagaar oo ka mid ah Mu’asasiinta Madarasada Fatxu Raxmaan ayaa ka soo qeyb galayaasha,Waalidiinta Ardeyda iyo Bulshada Bardheere kula dardaarmey inay garab istaagaan sii socoshada Madaradasada ,islamarkaana ay keenaan Caruurtooda,maadama Madarasadu ay shaqeyso Todobaad kasta.

Ardeyda ayuu sheegay in ay ku tartamayeen Tafsiirka quraanka,Siirada Nebiga (CSW) Axaadiista,Naxwaha iyo Mustalax Al xadiis,Ardeydii kaalimaha hore galey ayaa la siiyey Abaal marino kale duwan, Madarasada ayuu tilmaamay in ay wax ka bartan ardey tiradoodu ay gaareyso 276 ardey oo isugu jira wiilal iyo Gabdho.

Sidoo kale Ardeyda waxka barata Madarasada ayaa waxay soo bandhigeen Daruustii kala duwaneyda ee ay ku tartameen Mudadii ay waxbaranayeen iyagoo cadeeyey inay dareemayaan Horomar dhanka Barashada Diinta Islaamka,waxayna u mahad celiyeen Macalamiinta iyo Waalidiintooda.

Qaar ka mid ah Waxgaradka degmada iyo Waalidiinta Ardeyda oo ka Hadley Munaasabada ayaa waxay ka warbixiyeen sida ay ugu faraxsan yahiin Mudadii ay waxbaranayeen Caruurtooda Quraamka kariimka iyo Culuunta aas aasiga ee diinta Islaamka.