Somaliland oo dad u qabatay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac

38

Kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada Booliska Somaliland ee ka howlgalla Gobolka Sanaag ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen laba Nin oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday maqaaxi ku taala degmada Dararwayne ee gobolka Sanaag ee Somaliland.

Weerarka ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 2 kalena way dhaawacmeen, waxaana wararka soo baxayay ay sheegayeen in weerarkaas uu salka ku haayo dilal aanooyin qabiil ah oo ka dhacay degaano kamid ah Gobolka Sanaag.

Saraakiil katirsan ciidamada Booliska Somaliland ee ka howlgalla Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay baaritaan kuhayaan raga lagu tuhmayo weerarkaas, isla markaana dhawaan maxkamadda Gobolka la horgeyn doono si cadaaladda loo marsiiyo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin in weli degaano kamid ah Gobolka Sanaag ay kajiraan maleeshiyaad hubeysan oo dadka shacabka ah iska dilay, isla markaana tallaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan.

Degaano iyo edgmooyin katirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal la xiriiray aanooyin qabiil, iyada oo xukuumadda Somaliland qarkood ay colaad beeleedyada xal ka gaartay halka kuwo qaarkood weli ay taagan yihiin.