Ra’iisul wasaare Xamza oo maanta ka dagay BELEDWEYNE + Ujeedka

16

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markale maanta ka dagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ka yimid dhanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa garoonka Ugaas Khaliif uga hortegay madaxwweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira dardar-gelinta howlgallada ka socda gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan kooxda argagxisada ah ee gumaadka ku heysa shacabka