Wasiirka Amniga Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa shir-gudomiyay kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka socda Wasaarada Amniga Gudaha, Taliska Ciidanka Boliiska iyo Maamulka Gobolka Banadir, kaas oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxaa lagu falanqaynayay qorshaha wadashaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada. Si loo sugo amniga Caasimadda iyo guud ahaan Soomaaliya.
Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobalka Banaadir waxeey dhawaan soo hirgelin doonaan qorshaha wadashaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshada, qor dhahaas oo ku saleeysan Tiirka Amniga ee Xukuumada Dan Qaran sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda.
Kulankan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya ka socdaan howlgallo iyo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagula wareegay degaano dhowr ah.