Wasaaradda caddaaladda iyo dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin adag oo la xiriirta la macaamiilka Shabaab udirtay nootaayooyinka magaaladda Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laamaha amnigu usoo gudbiyeen cabashooyin ay usoo gudbiyeen shacabka, kuwaas oo ka cabanaya in nootaayooyinka ay xogtooda u gudbiyaan Alshabaab.
Sidoo kale easaaradda caddaaladda iyo dastuurka waxay sheegtay inay ruqsada kala laabanayso nootaayooyinka lagu helo inay Alshabaab la macaamilaan, iyadoo loo marayo sifo sharci ah.
Share this:
Click to share on Twitter (Opens in new window)Click to share on Facebook (Opens in new window)