Iyada oo qeybo kamid ah gobolka hiiraan ay ka socdaan dagaalo iyo howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay jiraan Siyaasiyiin xagal daacinayo howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.
Xildhibaan Maalik Cabdalla oo katirsan Xildhibaannada golaha Shacabka ee qeybta ka ah howlgallada ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin Madaxweynaha Soomaalia kula gorgortamaya in la siiyo lacag iyo xilal si ay ugu biiraan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka siyaasiyiinta ah ee qorshahaas wada asyan aheyn AMISOM oo lacag ku qaadata dalka, isaga oo sheegay in aan laga aqbaleyn uuna socon doono dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Xildhibaan Maalik Cabdalla wuxuu sheegay in dadka Reer Hiiraan aysan jirin cid ay duulaan ku yihiin, balse Gobolada la deriska ah ee siyaasiyiinta kasoo jeeda shuruud ku xirayaan dagaalka ay Al-Shabaab ku weerari doonaan goobaha ay kasoo abaabulaan weerarada.
Hadalka Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa kusoo aadaya xilli dagaalo farabadan ay ka dhaceen gobolka Hiiraan, isla markaana Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolkaas ay dhowr jeer sheegeen in lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.