Sacuudia Carabiya ayaa diiday kuna sheegtay “wax aan xaqiiqda ku saleysneyn” dhalleeceynta ka dhanka ah go’aankii uu toddobaadkii tegay qaatay ururka OPEC+ ee uu ku dhimayo wax soo-saarka saliidda, xilli Mareykanka uu aad uga soo horjeedo.
Sacuudi Carabiya waxa sheegtay in codsiga Mareykanka uu ahaa in go’aanka dib loo dhigo hal bil kaliya, uuna yeelan lahaa cawaaqib dhaqaale oo taban.
Go’aanka OPEC+ waxaa lagu qaatay si heshiis ah ayada oo lagu xisaabtamayo isu-dheeli tirka soo-saarka iyo dalabka, waxaana looga dan lahaa in lagu xakameeyo xasillooni darrada suuqa, waxaa sidaas bayaan ay maanta soo saartay ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga.
Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga kadib go’aankii OPEC+ ee toddobaadkii ay qaateen ayaga oo ku gacan sayray diidmada Mareykanka.
Kooxda OPEC+ oo ka kooban dalalka shidaalka dhoofiya iyo Russia ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inay dhimayaan bartilmaameedkooda wax soo-saar kadib toddobaadyo uu Mareykanka waday qalqaalo ah inaysan sidaas sameyn.
Dhimista OPEC+ ayaa Washington ka buurtay walaac ku saabsan suurta-galnimada ah inuu sare u kaco qiimaha shidaalka kahor doorashada dhexe ee November, taasi oo Dimoqraadiga ay isku dayayaan inay sii xajistaan maamulka Aqalka