Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa la wadaagay Kulanka Halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.