Xilli shalay gabal dhicii ciidamada ka tirsan ha’yada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo xireen xoghayaha Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed Cabdalla Axmed Muumin ayaa waxaa si adag walaac kaga muujiyay madaxda warbaaahinta madaxa banaan iyo ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Muqdisho Urrurada Saxaafadda & Madaxda Warbaahinta Madaxa bannaan ayaa waxaa ay si adag u cambaareyeen falka xariga ee lagula kacay Cabdalla Ahmed Muumin oo ah hugaamiye u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed.