Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaare, xilkaas oo ah mid caadiyan uu hayo boqorka, waxaa sidaas lagu sheegay isku shaandheyn dhacday Talaadadii.
Tallaabadan ayaa rasmi ka dhigeysa awood horey gacanta ugu jirtay Amiir Maxamed, kaasi oo sanado badan ahaa hoggaamiyaha dhabta ah boqortooyada, sida ay sheegeen fallanqeeyayaasha.
Madaxda kale ee wasaaradaha muhiimka ah sida; arrimaha gudaha, dibedda iyo tamartka ayaan isbeddel lagu sameyn, sida ku cad dikreetada Boqor Salmaan oo ay daabacday wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency.
Amiir Maxamed oo 37 jir noqday bishii tagtay, ayaa ahaa qofka sugaya inuu aabihiis ka beddelo xilka boqorka tan iyo 2017.
Sacuudi Carabiya ayaa sanadihii ugu dambeeyey isku dayeysay inay beeniso wararka ku saabsan xaaladda caafimaad ee boqorka 86 jirka ah, oo dalka saliidda hodanka ku ah xukumayey tan iyo 2015.
Sanaddii 2017, waxay ku gacan sayrtay warbixino ku saabsanaa in boqorka uu qorsheynayey inuu ka dego xilka kuna wareejiyo wiilkiisa Amiir Maxamed.