Soomaali kamid ah shiicada u lugeyneysa siyaarada Karbala

38

Malaayiin ruux oo ka tirsan Muslimiinta Shiicada ayaa billaabay siyaarada sannadlaha ah ee ay ku tagaan magaalada Karbala ee dalka Ciraaq. Maanta oo Sabti ah ayaa maalayaiin qof ay siyaaranayaan magaaldaasi. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa warbixin aan 2020-kii ka qornay koox Soomaali ah oo haysta fikirka Shiicada oo xuskaasi ka qeybgalay.

Maxamed Cali Jibirte ayaa sheegay in isaga iyo Shiicada kaleba ay lug ka billaabeen magaalada Najaf, ayna damacsanyihiin inay masaafe dhan 80km u lugeeyaan magaalada Karba.

“Hadda waxaan joogaa afaafka hore ee magaalada sharafta leh ee Najaf, oo ah magaalada uu ku aasanyahay Imaam Cali Ibnu Abii Dhaalib (R.C), halkan waxaa ka socda wax loo yaqaanno 40-kii maalmood ee kasoo wareegtay markii dil qoor gooyo ah Karbala loogu geystay Imaam Xuseyn Ibnu Cali Ibnu Abii Daalib.

Markii 40 maalmood laga joogay xilligii uu dilka dhacay ayaa madixii la gooyay ee Imaam Xuseyn laga soo celiyay dhinaca Suuriya, waxaana la geeyay Ciraaq, ka dib markii loo geeyay xaakimkii dilkiisa ka dambeeyay ee ahaa Yaziid Ibnu Mucaawiya.

Sidoo kale Carruurtii iyo walaalihii Imaam Xuseyn oo iyagana la qafaashay ayaa maalinkaas kasoo laabtay Suuriya iyagoo usoo hayaamay meeshii lagu dilay aabahood iyo walaalkood, sidaas darteed dadka Ahlul beytka ah waxay caadeysteen inay weyneeyaan maalintii ay haraadigii qoyskii rasuulka kasoo hayaameen Suuriya ee ay usoo hayaameen Ciraaq”, ayuu yiri.

Maxamed oo oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in isagu uu ka mid yahay Shiicada, kaligiisna uusan ku ahayn siyaaradan.