Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa ku guuleystay inay dib u heshisiin kala dhex-dhigaan labadii maleeshiyo Beeleed ee dhawaan ku dagaalamay Agagaarka degmooyinka Cadalle iyo Raaga ceelle ee gobolka Sh/Dhexe.
Kadib kulan saacado badan qaatay oo ay yeesheen mas’uuliyiin uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Odayaasha Dhaqanka labada Beeleed iyo Saraakiisha Ciidamada gorgor ayaa lagu dhawaaqay xabad-joojin iyo inay ka heshiiyeen wixii labada dhinac dhex-maray.
Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulanka uu sidoo kale kasoo baxay in la kala qaado maleeshiyaadka dagaalamay, iyada oo goobihii lagu dagaalamay ay la wareegeen Ciidamada Kumaandooska gorgor si amniga degaannadaas ay u xaqiijiyaan.
Shalay Gelinkii hore ayay ciimada gorgor gaareen degaannadii lau dagaalamay ee hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga ceelle ee gobolka Sh/Dhexe., iyaga oo ku guuleystay inay kala dhex-dhigaan labada maleeshiyo Beeleed.
Dhawaan Warsaxaafadeedyo kasoo kala baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya & Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu baaqay in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo, iyada oo lagu amray Ciidamada dowladda inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamay.