Armenia oo khasaare culus lagu gaarsiiyey DAGAALKA Azerbaijan + Tirada dhimasho

42

Armenia ayaa maanta sheegtay in ugu yaraan 136 ka mid ah askarteed lagu dilay dagaal ay xuduudda kula galeen ciidamada Azerbaijan toddobaadkan, taasi oo tirada khasaaraha dhimashada ka dhigeysa in ka badan 200 oo askari.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu billaabay iska hor-imaadka oo dhacay Talaadadii, islamarkaana dhammaaday habeenkii Khamiista kadib dhexdhexaadin caalami ah.

“Illaa hadda tirada dhimashada waa 135,” ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa sidaas maanta u sheegay golaha wasiirada.

“Nasiib darro, ma ahan tirada kama dambeysta ah. Waxaa sidoo kale jiro dhaawac badan.”

Azerbaijan ayaa dhankeedana ku warantay in 71 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen iska horimaadka.

Waxa uu ahaa dagaalkii ugu xumaa ee labada dal dhexmara tan iyo markii ay muddo lix toddobaad ah ku dagaalameen xuduudda sanadii 2020.

by Taboola