Maamulka degmada Garbahaarey oo ka Warbixiyey Ceel Riig ah oo laga hergelinayo Degmadaasi(WAREYSI)

27

Xasan Cilmi Jaamac (Xasan Garbahaarey) oo ah Gudoomiyaha Maamulka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa Wareysi uu siiyey Radio Markabley waxaa uu sheegay in degmada ay ka soocoto Howl Balaaran oo deegaanka looga hergelinayo Ceel Biyood oo ah Nooca Riigga oo ay isticmaalI Doonaan Dadka iyo Duunyada ku dhaqan Garbahaarey iyo Nawaaxigeeda.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in muddo ah in ay wadeen Qorshayaal ku aadan siddii degmada ay ugu hergelin lahaayeen Ceel Riig ah oo Biyahiisu ay macaan yahiin,si looga baxo Biyo yarida ka jirta degmada Garbahaarey iyo Nawaaxideeda.

Gudoomiye Xasan ayaa tilmaamay Howshan oo hadda lagu guuleystey Qodista Ceelka Riiga ah in ay gacan ka siisey Hay’adda Samafalka ADRA,waxaana Howshan fulinaya ayuu yiri Company lagu magacaabo Hilaac.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUDDOMIYAHA GARBAHAAREY