Booliska Sacuudiga oo xiray nin Cumro u sameynayey boqoraddii geeriyootay ee UK

23

Booliska dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegay inuu cumro u niyeystay boqoradii dhawaan geeriyootay ee dalka UK Queen Elizabeth II.

Hay’adda Ammaanka Dadweynaha ee Sacuudiga ayaa Twitter-ka ku sheegtay in ninkaan oo kasoo jeedo dalka Yemen loo xiray inuu ku xad-gudbay xeerarka Cumrada u dajisan, islamarkasna uu iska soo duubay muuqaal isago wata boor ay ku qoran tahay “Cumro ayaa u neystay boqorad Queen Elizabeth II, waxaana Allah ka baryeenaa inuu u aqbalo oo janada uu geliyo.”

Hay’adda ayaa sheegtay in kiiska ninkaan loo gudbiyey xeer ilaalinta si ay baaritaan ugu sameyso, islamarkaana uu u maro ciqaabta u dajisan.

Xariga ayaa yimid kadib markii baraha bulshada lagu dhaleeceeyay muwaadinka Yemeniga ah kadib markii muuqaalkiisa uu noqday mid si weyn loo hadal hayo.

Shareecada Islaamku waxay u ogolaatay Muslimiinta inay u soo xajiyaan ama cimreeyaan iyagoo ka wakiil ah Muslimiinta dhintay, laakiin lama ogola in cumro loo sameeyo dadka aan islaamka aheyn ee dhinta.

Boqorada Elizabeth, oo dhimatay Khamiisti iyada oo jirta 96, waxay ahayd Kiristaan ​​ku adag diinteeda, waxayna sidoo kale soo noqotay gudoomiyaha ugu sarreeya Kaniisada England.