Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi ayaa xaqiijiyay in Masar ay Soomaaliya ka taageereyso caqabadaha haysta oo amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda ay kamid yihiin.
Hadalkan ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Masar kadib wadahadal khadka Taleefonka uu Al-Sisi la yeeshay dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu Al-Siisi carabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya si loo dhiso loona mideeyo hay’adaha dowliga ah, oo dagaallada ku burburay.
Labada Madaxweynaha ayaa iskula soo qaadey wadahadalkooda iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga oo muhiim u ah labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Al-Sisi uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee xaalada gudaha dalka iyo talaabooyinka uu hadda qaaday ee lagu soo celinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya loogana gudbay caqabadaha kala duwan ee uu dalka wajahayo gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab.
Labada Madaxweyne ayaa ugu dambeyn isku afgartay inay iskaashi ka sameeyaan arrimaha kala duwan ee gobolka khuseeya iyo horumarinta xiriirka Masar iyo Soomaaliya heer kasta.
Xasan Sheekh ayaa dabayaaqadii bishii July booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar, wax ka yar labo bilood kadib markii loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana intii uu ku guda jiray booqashadiisa Qaahira kala hadlay Sisi xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.