laba Qarax oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa ay Maanta ka kala dhaceen degaano katirsan gobolka Hiiraan, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay askar iyo dad Shacab ah.
Qaraxa koowaad ayaa waxaa gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah uu ku qabsaday degaanka Xujoob oo 10km dhinaca Koofureed kaxiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso uu qabsaday Gaari Homay ah oo kusoo wajahnaa Magaalada Beledweyne, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay hal Ruux halka ay ku dhaawacmeen 5 ruux, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka magaalada Beledweyne.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya a ku baxeen degaanka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo u gurmanayay dadka qaraxaasi ku waxyeeloobay, hayeeshee intii ay howlgalka kujireen qarax labaad uu dhacay, kaas oo ay ku dhaawacmeen askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Degaannada kuyaalla duleedka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay kusoo batay qaraxyada Miino tan io makii ay bilaawdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana qaraxyadii ugu dambeeyay ku dhintay in ka badan 10 Ruux.











