Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo si carro leh uga jawaabay hadalkii Xildhibaan Xusul

87

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka in Dad Soomaaliyeed oo Al-Shabaab la dagaalamayo uu eedeeyo.

War kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in eedeynta Xildhibaanka ay tahay dareen u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay guddoonka Golaha shacabka in si hoose loo eego una u baahanyahay baaris Sharciyadeed Xildhibaankaas.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xusay in xildhibaanka maanta Eedeynayo Ciidamada Dib u xoreynta degaannada Gobalka Hiiraan ee la dagaalamayo Al-Shabaab Deegaanka uu matalo aay haystaan Al-Shabaab midaasna ay tahay oo ah nasiib daro weyn in uu ka hadlo Dad soomaaliyeed oo iska celinayo Al-Shabaab Dhulkoodana ka xureeynayo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa carabka ku adkeeyay in cidwalbo oo ka hortimaado kacdoonka lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay hiil u tahay taas oo aheyd dareen ay dhibsanayeen Abaabulka Shacbiga.