Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Hiiraanw axaa weli ka socda guluf xoogan iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo intooda badan ay wadaan beelaha dega gobolka Hiiraan oo sheegay inay dhibaato kala kulmeen Al-Shabaab.
Tiro kamid ah dadka degaannada Gobolka Hiiraan oo hubka qaatay ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaalo kula galay Al-Shabaab qeybo kamid ah Gobolkaas, iyaga oo la sheega inay degaano dhowr ah la wareegeen.
Nabaddoon Cilmi Hagar Guure ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka qeyb qaashada dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, isla markaana ak xurreeyaan dhammaan degaannada ay ka joogaan gobolka Hiiraan.
Wuxuu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka kale ee kunool Gobolkaasi Hiiraan inay kusoo biiraan dagaalka, si Shacabkooda looga dulqaado dhibaatada kaga imaaneysa dhinaca Ururka Al-Shabaab.
Hadalka Nabaddoon Cilmi Hagar Guure ayaa kusoo aadaya xilli weli qeybo badan oo kamid ah gobolka Hiiran ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo hubka qaatay.