Golaha wakiilada Somaliland oo ansixiyey xubno ay horey u diideen

73

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay saddex xubnood oo ka tirsan guddida doorashooyinka Somaliland kuwaas oo ay hore u diideen balse madaxweyne Biixi, dib ugu soo celiyay.

Illaa 70 xildhibaan ayaa codka kalsoonida siiyay dhammaan xubnaha maanta la ansixiyay.

Xildhibaanada Golaha fadhiyay waxa ay ahaayeen 70 xildhibaan dhammaantoodna way u codeeyeen.