Madaxweynaha Dowlad oboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ee Magacaabista ayaa waxaa lagu sheegay in markii Madaxweynaha uu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.