Xasan Sheekh oo wajahaya gadoodka afar maamul goboleed – Maxay diidan yiihin?

10

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wajahayaa dib u gurasho ka imaneysa dhanka maamul goboleedyada. Puntland, Jubbaland Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhammaan madaxdoodu waxay siyaabo kala duwan u dhaliilsan yihiin sida uu howsha ku billaabay nidaamka cusub.

Xasan Sheekh wuxuu xukunka kusoo laabtay iyadoo maamul goboleedyada iyo Villa Somalia aysan wada-shaqeyn togan laheyn.

Nidaamkii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shan sano ku lumiyey dagaalka maamul goboleedyada, waxaana muddo xileedkii ka dhammaaday isagoo gacanta ku haya saddex maamul goboleed labana ay diidan tahay xukunkiisa.

In dowladda dhexe ay hesho dhammaan saaxiibtinimada iyo wada-shaqeynta shanta maamul goboleed waa shaqo aad u culus. Maamullada ayaa dib uga gurtay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay ka gagoodeen hanaankii loo maareeyey qandaraaska qaadka, dhismaha xukuumadda iyo magacaabista xilalka sare ee muhiimka ah.

Maamullada qaaday ayaa tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda cusub waxay u arkaan duulaan iyaga ku socda. Tusaale, in Mukhtaar Roobow wasiir la siiyey waxay Laftagareen uga dhigan tahay in dagaalkiisa loo soo bareeray.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dhowr kulan oo gaar ah oo ay Saciid Deni wada qaateen waxay wararku sheegayaan in diiradda lagu saaray waxyaabaha uu Saciid kaga diday nidaamka cusub kuwaas oo u badnaa ballamo shaqsi ah.