Wasiirka Gaashaandhigga DF oo la kulmay taliyaha cusub ee AFRICOM

9

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa manta la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay taliyaha cusub ee Africom Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kulanka waxaa ka qeybgalay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, taliyaha ciidamada lugta, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashandhigga iyo la taliyayaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha & ra’iisal wasaaraha XFS.

Wasaaradda gaashandhigga ayaa mudooyinkii dambe xoojineysay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab iyadoo kooxda hadda laga xorreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeenta iyo kor u qaadidka awoodda ciidamada xoogga dalka.