Xamze iyo Madaxweynaha Tunisia oo shir yeeshay

6

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa waxa saaka madasha shirka caalamiga ee TICAD8 ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid.

Dowladda Tunisia ayaa martigelinaysa shirka oo si rasmi ah islamarkaana maanta ka furmay caasimadda Tunis.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qaybgalaya shirka waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar.

Mudane Xamse ayaa shirka ka jeedin doonna khudbad uu kaga hadlaayo xaaladdaha Soomaaliya iyo abaaraha.