Booliska oo war kasoo saaray kiiska Kamac Ducaale – Gabadha ka timid Nairobi ee lagu dilay Muqdisho

5

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay baarayaan geerida gabar dhallinyaro Soomaaliya ah oo sidoo kale haysatay dhalashada dalka Norway, taasi oo ku dgeeriyootay magaalada Muqisho ee caasimadda Soomaaliya.

Gabadhan oo lagu magacaabay Kamac Ducaale ayaa meydkeeda la helay, balse weli ma cadda cidda dishay iyo sababta loo dilay.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Gen. Sakiya Xuseen Axmed, oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa sheegtay in baarista kiiskaan uu ku jiro gacanta booliska, sidaas darteed dadka laga rabo inay joojiyaan wararka ay ku faafinayaan baraha bulshada.

Taliyaha ayaa sheegtay in wararka la faafinayo ay lumin karaan macluumaadka saxda ah ee la xiriira kiiskaan.

Warka kasoo baxay taliyaha ayaa yimid kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Norway ay sheegtay inay la socoto in muwaadin kasoo jeedo wadankeeda uu ku dhintay gudaha magaalada Muqdisho.

Mathias Rongved oo ah sarkaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay inay waqti dheer ku qaadanayso in si rasmi ah ay u xaqiijiyaan geerida gabadhan.