Taliska Booliska degmada Baardheere oo ka warbixiyey Shaqooyinka ay Qabtaan.

50

Taliska Booliska Soomaaliyeed ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in magaalada ka bilaabeen howl galo ay wax kaga qabanayaan deegaanka si amaanka degmada loo xaqiiyo,waxayna sheegeen mudooyinkii ugu dambeeyey in ay dagaal kula jireen Tuugada iyo kuwa daroogada isticmaala.

G/le Cabdi Sheekh Xasan oo ah Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Baardheere oo Wareysi siiyey Radio Markabley ayaa sheegay kiisaska ugu badan ee maalmahan soo gaarayey Saldhiga Booliska degmada ayaa ugu badan Falalka la xariira Tuugada iyo kuwa isticmaala Daroogada.

Taliyaha ayaa digniin adag u jeediyey dadka isticmaala daroogada iyo tuugada in ay marsiin doonaan Ciqaab adag ,islamarkaana ay muteysan doonaan xarig iyo ganaax lacageed.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA TALIYAHA BOOLISKA BAARDHEERE