Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku wajahan magaalada Beledweyne & Amniga oo la adkeeyay

45

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu tago magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa cabdi Barre.

Maalin ka hor Magaalada Beledweyne waxaa gaaray wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaana sidoo kale tegi doona maanta Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo gogol xaar u noqonaya safarka Ra’iisul Waaare Xamse ee Magaalada Beledweyne.

Ammaanka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa aad loo adeeyay, waxaana gudaha magaalada lagy arkayaa Ciidamo farabadan oo sugaya Amniga Magaalada Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ujeedka safarkiisa ee magaalada Beledweyne waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda dadka kunool magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada dowladda ka wadaan degaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa safaro ku marayay degaano katirsan gobolka Hiiraan oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu sheegay in Ciidamadu ay degaano dhwor ah la wareegeen.